Mas’uuliyiinta Maamulka Israaiil ayaa marweliba oo ay hadal siiyaan Warbaahinta noqonaya kuwa kala hadla taasi oo ka dhigan in aanay isku aragti ama go’aan ka ahayn qaabka lagu soo dayn karo Maxaabiista ka maqan ee Xamaas gacanta u galay.

Wasiirka Gaashaandhigga Israaiil, Afhayeenka Militariga iyo mas’uuliyiin kale oo Maamulka Yuhuudda katirsan ayaa si cad u sheegay in aanay suuragal ahayn wadahadal lagu soo furto Maxaabiista Xamaas u xiran tan iyo 7dii Okotoobar 2023 ee kor u dhaafaya 240 ruux.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo la hadlay Warbaahinta gaar ahaan tan Mareykanka laga leeyahay ee NBC ayaa sheegay war kooban oo muujinaya quuska Yuhuuddu ay ka muujineyso soo furashada Maxaabiistaas.

Netanyahu mar la waydiiyay suuragalnimada in ay wadahadal kusoo furtaan Maxaabiista laga soo dareersaday deegaannada ay ku faanto Israaiil in ay amni buuxa ka hirgelisay balse gidaarada ay uga dhaceen dagaalamayaal katirsan Xamaas ayaa sheegay in wadahadal lagu soo daayo aanay meesha ka baxsanayn.

Benjamin Netanyahu ayaa si kooban u yiri: “Waa jiri karaa wadahadalka” inkasta oo uusan bixin faah-faahin intaas ka badan maadaama uu ka meermeeray su’aalihii kale ee la socday middii hore ee wadahadalka quseeya.

Israaiil ayaa tacadi wayn ka geysatay Magaalada Gaza wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 oo ku beegan maalintii ay Xamaas beegsatay saldhigyo Yuhuuddu leedahay oo xitaa la gaarsiiyay in laga soo qafaasho saraakiil, ciidan iyo dad kale oo rayid ah.

Share.

Leave A Reply