Gellinkii hore ee manta, Toni Juanmarti ayaa bixiyey qish weyn oo shaki geliyey mustaqbalka xiddig ka tirsan Barcelona oo uu sheegay inuu u furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda, isla markaana ay kooxdu dhegaysan doonto haddii dalabyo laga soo gudbiyo.
Barcelona oo la sheegay in ay suurtogal tahay inay iibiso ciyaartooyo dhawr ah xagaagan si ay boos ugu bannayso Lionel Messi, ayaa waxa soo baxday in ay damacsan tahay in ay iska dirto difaaca dhexe ee Jules Kounde oo ay suuqa dhigayan.
Warka ayaa sheegay, in laacibka reer France aanu ku faraxsanayn in uu sii joogo Barcelona, waxaana uu kasoo horjeedaa booska laga dheelsiiyo ee difaaca midig iyo arrinta labaad oo ah in aanu haysanin boos joogto uu uga ciyaaro oo damaanad leh.
Toni Juanmarti aya waxa uu sheegay, in Barcelona ay go’aamisay qiimaha laacibkan oo noqonaya €80 milyan oo Euro oo kooxdi bixisa ay la wareegi karto Kounde.
Difaacahan hore ee Sevilla oo sannad kaliya ku qaatay Barcelona ayaa waxa la sheegay in ay doonayaan kooxo horyaalka Premer League ah iyo Bayern Munich oo uu tabbaaraheeda Thomas Tuchel raadinayo difaac dhexe oo marka loo baahdana buuxin kara difaaca midig.
Sannad ka hor ayay Barcelona €50 milyan oo Euro kusoo iibsatay Kounde oo u saxeexay qandaraas shan sannadood ah oo soconaya illa sannadka 2027, hase yeeshee 24 jirkan ayaa shaki la gelinayaa in uu dhamaysan doono waqtigiisa.