Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Iran oo ku eedaysay Israa’iil weerar lagu qaaday dalkeeda, kuna hanjabtay inay ka falcelinayso
    Dibadda

    Iran oo ku eedaysay Israa’iil weerar lagu qaaday dalkeeda, kuna hanjabtay inay ka falcelinayso

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 3, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iran ayaa Khamiis maanta ahayd ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

    Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul ahayd “isku-dayga fal gardarro ah”.

    Warqadda ka soo baxday dalka Iran laguma soo bandhigin caddaymo gaar ah.

    Dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen saddex diyaaradood oo ah, kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday goob lagu tababaro ciidamada, waxaana la toogtay lama ka mid ah, diyaaradahaas.

    Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu burbur yar u geystay dhismaha.

    Dalka Israa’iil ayaa hore u fuliyey weeraro kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah oo lala xidhiidhinayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

    Masuuliyiinta dalka Iran ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan dhacdadan.

    Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

    “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay haysataa xuquuqdeeda sharciga ah iyo xaqa dhabta ah … si ay u difaacdo ammaankeeda qaranka oo ay si adag uga jawaabto hanjabaad kasta ama ficil kasta oo khaldan oo uu ku kaco maamulka Israel, meel kasta iyo mar kasta oo loo arko lagama maarmaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

    Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo kala xigtay AP iyo AFP.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDhageyso:- Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo gaaray Ukraine
    Next Article Abaabulka howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Gobolka Mudug

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Mahad Salaad oo hadlay kadib Ansixinta Sharciga La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada

    March 8, 2023

    Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta…

    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka 16aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

    February 16, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.