Inter Milan Oo Arsenal U Soo Bandhigaysa Saxiixa Stefan de Vrij & Xiddiga Ay Badalkiisa Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

86

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis is dhaafsi ah la samayso kooxda Arsenal isla markaas is dhaafsadaan labada daafaca ee Stefan de Vrij & Gabriel Magalhaes.

Inter Milan ayaa doonaysa daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes si ay ugu xoojiso kooxdeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub

Sidaas darteed Inter ayaa Arsenal miiska u saartay daafaca khabiirka ah ee Stefan de Vrij Si ay ugu badashaan Gabriel Magalhaes suuqa xagaagan.

Gabriel ayaa muhiim ka noqday kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii hore isaga oo lamaane daafac la sameeyay xiddiga Ben White.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa dhaliyay 4 gool 35 kulan oo uu u ciyaaray Arsenal waxana uu Arsenal ka caawiyay ku soo laabashada Europa League.

Xiddiga Gabriel ayaa Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2025 ah waxana ay Inter ku qaadan doontaa shaqo adag in ay Arsenal ku qanciso in ay fasaxdo xiddiga reer Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here