galbiyey garoonka dayaaradaha Stansted oo si bedqab leh ay uga soo degtay”.
Flightradar24 data oo ah bar lagala socdo dhaqdhaqaaqyada duullimaadyada caalamka ayaa isna sheegay in dayaaraddaas oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner ay ka soo duushay magaalada Nairobi saacaddu markii ay ahayd 09:18 subaxnimo, ka dib 13 daqiiqo oo ay dib u dhacday.
Dayaaradda ayaa ku dul haadaysay jog gaaraya 17,000 oo cagood kanaalka English Channel ka hor intii aysan soo dhaadhicin ayadoo ku sii socotay dhanka waqooyi eek u dhereran bariga xeebta Kent.
Dayaaraddu waxay sii waddaay daadegiddeeda ayadoo raacday xeebta xeebta badda waqooyi ka dibna Essex, waxayna fariisatay garoonka Stansted 4:45 galaabnimo saacadda Afrikada bari.
“Waxaa dhamaanteen na hareereeyey boolis. Dhamaantood waxay wateen qoryo, waxayna xirnaayeen dares madow, waxayna na weydiinayeen aqoonsi. Kabtanka waxba ma uusan dhihin” ayey tiri haweeney dayaaradda saarnayd.
Isniintii ayaa duullimaad kale oo ay leedahay Kenya Airways, isagana kala gooshayay Nairobi iyo Heathrow London waxaa uu dalabaday gargaar caafimaad oo degdeg ah ka dib markii mid ka mid ah rakaabka uu xanuunsaday sida ay shirkaddu sheegtay.
“Shaqaalaha dayaaradda oo ay taageerayeen laba dhakhtar iyo hal kalkaaliye ayaa caawiyey qofkii xanuunsanayey ayadoo loo fidiyey gargaar caafimaad, , kabtankana wuxuu ku dhawaaqay in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo baahan yahay isagoo la hadlayey qaybta hagidda dayaaradaha” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.
Isha: BBC SOMALI