HomePoliticsImran Khan, Marwadiisa & Siyaasiyiinta taageersan oo xayiraad safar lagu soo rogay

Imran Khan, Marwadiisa & Siyaasiyiinta taageersan oo xayiraad safar lagu soo rogay

Dowladda Pakistan ayaa xayiraad dhanka safarka ah saartay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Imran Khan, Marwadiisa Bushra Bibi & Kaaliyeyaasha siyaasadda ee la shaqeeya hoggaaminayaan lagu dheggan yahay.

Hay’adda barista Federaalka (FIA) ayaa la sheegay in sawirrada Imran Khan ay dhigtay meelaha laga safro si uusan dalka uga bixin iyada oo arrintaas ay dhalisay in hoggaamiyahaan laga hor taagan yahay in uu dhaqdhaqaaq dibadda ah sameeyo.

Mas’uuliyiinta Xisbiga PTI ayaa daandaansi aan geed loosoo korin ku tilmaamay in ciidamadu ay beegsadaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, Marwadiisa iyo illaa 500 oo xubnood oo xisbigaan katirsan.

Imran Khan oo ka hadlay tallaabadaan lagu xayiray safarka dhanka dibadda ayaa sheegay in uusan heysan qorshe uu dalka uga baxo maadaama aanay wax dhaqaale ah heysan ama jirin dhaqdhaqaaqa bangigiisa.

Haddii ay dhacdana in uu helo fursad uu fasax uu ku socdaali karana uu aadi doonno buuraha Waqooyi oo ah meel uu jecel yahay sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka isla markaana uu uga jawaabayay xayiraadda safarka ee la saaray.

Must Read

spot_img