iidle yare Oo Lasheegay inaan la ogayn Goobta uu kusugan yahay oo lala yahayba.

99

#Nairobi: Fanaanka Iidle Yare ayaa la waysanyahay meel uu ku sugan-yahay ka dib markii uu saaka ka baxay gurigiisa, qoyskana uu u sheegay in uu aadayo dhakhtar.

Saaxibadiis ayaa caawa booqday xaafada uu deganaa, caruurtuna waxay u sheegeen in saaka siduu u baxay uusan soo noqon, taleefoonkiisu xiran-yahay, meel uu jirona aysan garanayn.

3 saacadood ka hor ayuu Faceboogiisa waxa uu ku soo qoray “Caruurtayda ilaahay ayaan idiin ka taggay” taas oo naxdin iyo welwel ku riday in ka badan 100kun oo qof oo ku taxan bogiisa gaarka ah.

Iidle waayadaan waxa uu wajahayay xanuun, kaas oo dhawr jeer soo muuqday isagga oo cusbitaal jiifa, sidoo kalena waxa uu xusay in xaaladiisu ay meel khatar ah marayso, waxaana bilaabmay qorshe lacag loogu aruurinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here