Hindiya oo burburisay Guryaha Muslimiintii mudaharaadeysay

121

Ciidamada nabadgelyada India ayaa dumiyey guryaha shakhsiyaad Muslimiin ah oo magac leh oo lala xiriirinayo rabshadihii ka dhashay hadalladii deelqaafka ahaa ee laga sheegay Nebi Muxammad (NNKH).

Dadkii lahaa guryahaas oo ku yaal gobolka Uttar Pradesh ayaa intaan la dumin la faray in ay ka baxaan

Muslimiinta ayaa dhigayey mudaharaaddo lagu diidan yahay hadallada Islaamka gefka ku ah ee ay ku tiraabeen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP.

Booliska ayaa xiray in ka badan 300 oo qof oo lala xiriirinayo qulqulatooyinka dhacay.

Hadalladaas deelqaafka ah waxa ku hadashay haweenaydii af-hayeenka u ahayd Nupur Sharma mar ay ka qayb galaysay dood telefishan ka socotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here