Sida aan la socono gobolka Hiiraan waa gobolka Soomaaliya ugu xildhibaannada Golaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya marka laga hadlayo ka gobol ahaan.
Gobolka Hiiraan Xildhibaannada iminka ku matala Golaha Shacabka waxay u muuqda kuwa gabay howlihii loo idmaday islamarkaana hilmaamay dadkii u dartood nafta ku waayey markii ay Beledweyne u tageen sidii ay u heli lahaayeen kuraasta ay maanta ku fadhiyaan.
Shaqsiyan eedda ma saarayo iyaga ee waxaa eedda leh bulshada ku nool gobolka waayoo waxay dooran waayeen kuwa si dhab u matali kara.
Maanta iskaba daaye inay wax taraane, waxay kari waayeen inay taagaan Beledweyne si ay ula qeybsataan dadkooda maanta fatahaadda biyaha la daalaa dhacaya.
Ugu dambeyntii, umadi kama baxdo dhibta iyadoo aanan garan halka ay dhibaatada kaga timid.
Q/W Ahmedsadaq Yuusuf
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Halgan.online iyo Radiohalgan.com