Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa maanta Doomo geysay Degmada Baardheere Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland kaddib markii guryihii Magaaladaas ay ka sare mareen daadadka Roobka & Fatahaadda Webiga.

War kasoo baxay SODMA ayaa lagu sheegay in Jimcaha Maanta la geeyay Doomahaan si loo badbaadiyo Dadka ku go’doonsan Degmada Baardheere maadaama isu socodka Buundada Degmadaas ay go’day saacadihii lasoo dhaafay.

“Iyada oo laga jawaabayo saameynta taban ee musiibooyinka El Nino, hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa subaxnimadii hore ee saaka mar kale Doomo geysay degmada Baardheere” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda SODMA.

“Waa markii Saddexaad ee SoDMA Doomo ceynkaan ah u dirto gobolka Gedo, si loogu samata-bixiyo dadka iyo duunyada ay fatahaaduhu waxyeelleeyeen. Hay’adda SoDMA, waxaa ka go’an xoojinta dedaallada naf iyo maal badbaadinta ah ee loogu gurmanayo dadka musiibooyinka dabiiciga ah saameeyeen” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka SODMA.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa markale dadka ugu baaqday in laga fogaado meelaha halista badan dhalin kara ee daadadka Roobka iyo fatahaadda Webiyada ay saameynta ugu badan u geysan karaan.

Share.

Leave A Reply