Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in 7 xubnood oo katirsan ‘AS’ lagu dilay weeraro ka kala dhacay Degmada Awdheegle Gobolka Shabeelaha Hoose 10kii September 2023 iyo mid kale oo ka dhacay Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud 11-kii September 2023.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in 6-xubnood oo kamid ah 7daas ruux lagu dilay howlgal ka dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed halka xubinta lagu beegsaday Deegaanka Bulacle Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Magaca Hay’adda NISA ay shaacisay ayaa kala ah:

1- Sheekh Cabdullaahi, waxaa lagu dilay howlgalka Degmada Awdheegle.

2- Cali Timajilic, oo lagu dilay Awdheegle.

3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay Degmada Awdheegle.

4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara waxaa lagu dilay howlgalkii Awdheegle.

5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay Degmada Awdheegle.

6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere waxaa lagu dilay Awdheegle.

7- Axmed Cali Daahir Shuuke, waxaa lagu dilay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxaana furimaha dagaalka kasoo muuqday Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha NISA, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Mas’uuliyiin heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed iyo xubno kale.

Share.

Leave A Reply