Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Hannaanka wadatashiga dadweyne ee ku saabsan Istiraatiijiyadda Jiilka Shanaad kaas oo kor u qaadaya horumarka dhinacyada isgaarsiinta, kobaca dhaqaalaha iyo halabuurka.
Istaraatiijayadan ayaa xoogga saaraysa horumarinta iyo diyaarinta qaabab sharci oo u gogol xaaraysa in la dhiirigeliyo adeegyada isgaarsiinta jiilka 5aad (5G) ay wada gaaraan dhammaan dalka iyada oo sida ugu wanaagsan looga faa’iideysanaya kheyraadka koobaan ee dalka, lana dhiirigelinayo wadaaga kaabayaasha isgaarsiinta.
Maareeyaha Hay’adda Isgaaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka hadlaya furitaanka ayaa soo jeediyey Saddex soo jeedin oo ah qaabka kaabayaasha isgaarsiinta jiilka 5aad looga hirgelin karo dalka.
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda, Axmed Cismaan Diiriye, oo ka hadlay xafladda furitaanka, ayaa xusay in Istaratiijiyadda 5G-ga ay ku qotonto siyaasadda Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa u bandhigeysa daneeyayaasha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda oo ay ku jiraan, Hay’adaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shacabka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed in ay fikirkooda kasoo dhiibtaan soo jeedintaan, taladoodana ku biiriyaan si looga wada qeyb qaato horumarka teknoolojiyadda iyo dhaqaalaha dalka, loona helo adeeg hufan oo gaari kara meel walba oo dalka ka mid ah, lana awoodi karo.