Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Howlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.
Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Maareeye ku-xigeenka guud ee Hay’adda iyo marti sharaf kale.
Xarunta Kormeerka Hirarka ayaa udubdhexaad ah u noqon doontaa lasocodka iyo falanqaynta isticmaalka hirarka, ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah, iyo xallinta arrimaha isdhexgalka hirarka.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horumarinta isgaarsiinta, isaga oo yiri “Daahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran. Xaruntani waxay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.”
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, “Xaruntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dalkeena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka teknolajiyada aan xargaha lahayn (wireless), waxaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaqiijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-gpo’ yeelanin, isla markaana looga hortago isdhaxgalka hirarka,”
Daahfurka xarunta ayaa astaan waxa ay u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hubinta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo aan kala-go’ lahayn.