Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle oo la kulmay madaxda Hay’adda Gargaarka qaabilsan ee Turkiga fadhigeedu yahay loona soo gaabiyo (IHH) waxa ay kawada hadleen sidii ay u gacan qaban lahaayeen Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamuud ayaa madaxda uu kula kulmay Magaalooyinka Istanbul & Bursa u bandhigay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen fududeynta garab-istaagga ay u baahan tahay hay’adda maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Madaxda Hay’adda IHH ee qaabilsan gargaarka ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay ka caawinayaan tababarrada Shaqaalaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, qalabeynta xarunta Gurmadka degdega ah & in raashin la gaarsiiyo Dadka Abuurtu saameysay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Madaxda Hay’adda Gargaarka qaabilsan ee IHH loosoo gaabiyo isaga oo rajeeyay in ballanqaadkooda uu fulo dhowaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Dalka Turkiga kula kulmay Hay’ado Dowli ah & kuwa gaar loo leeyahay oo uu u bandhigay dhinacyada laga caawinayo hay’addaan.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada saameynta taban kasoo gaartay isbaddelka Cimillada kaddib markii ay saameeyeen Abaarta, Fatahaadda, Ayaxa & xaalado kale oo sababay in kumanaan ruux oo Xoolo dhaqato & Beeraley ah ay galaan xeryo Barakac.