Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay howlgal qorsheysan  ku fileen  xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Howlgalkan  ayaa la sheegay in lagu dilay 27 xubnood oo Al-shabaab ah  oo kun sugnaa sadax xarumood oo ku yaala deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka tirsan Galmudug

Ciidamada is garabaanaya ayaa sidoo kale ku burburiyay  gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Shabaab ee howlgalka lagu lagu dilay .

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta Dawlada u sheegay in howlgallada lagu beegsanayouu weli ka socda Mudug iyoi Galgaduud.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday  howlgallada ka dhanka ah Al-shabaabka  ku sugan deegaanadaas, waxaana ciidamada ay howlgaladaasi Al-shabaab uga saareen  deegaano badan oo ay horay uiga talinayeen .

Share.

Leave A Reply