HomeWararkaHaweenka foolanaya ee miciin-bida inay gaadiid ka dhigtaan geela

Haweenka foolanaya ee miciin-bida inay gaadiid ka dhigtaan geela

Markii Muna uu qabtay xanuunka foosha, waxa keliya ee u furan ayaa ahaa inay gaadiid ka dhigato geel.

Muna oo 19 jir ah, ayaa filaneysay safar 40km (25-meyl) ah oo isbitaalka ah oo qaada doona afar saacadood laga soo bilaabo gurigeeda waxaana intaa u dheeraa buuro raf ah. Balse waddooyin la’aan – iyadoo la daalaa dhaceysay xanuunka foosha iyo cimilada oo xumeyd – awgood wuxuu safarka ku qaatay toddoba saacadood.

“Tallaabo walba oo geelu qaadayay, xanuun daran bay ii ahayd,” ayay tiri.

Marka geelu uu socon waayay, Muna oo seygeedu la jiro waxay lug ku tagtay isbitaalka

Gobolka waqooyi-galbeed Yemen ku yaalla ee Mahweet, isbitaalka Bani Saad waa kan keliya ee kumannaan haween ah ay soo bidaan adeegyada caafimaadka. Laga soo bilaabo guriga Muna, oo ku yaalla xaafadda Al-Maaqara, xaruntan ayaa keliya loo mari karaa waddooyin buuralley ah, iyadoo la raacayo geel amaba lug lagu tagayo.

Intii ay safarka ku jirtay, Muna waxay u baqeysay badqabkeeda iyo kan ilmaheeda aan dhalan.

“Waddadu waxay ahayd mid dhagaxaan leh,” ayay tiri, iyadoo dib u milicsaneysa “safarka daalka badnaa jir ahaan iyo maskax ahaanba”.

“Waxaa jiray waqtiyo aan ku duceystay in Alle uu i oofsado oo ilmahaygana uu badbaadiyo si aan xanuunka isku dhaafiyo.

Muna ma xusuusato inay tagtay isbitaalka balse waxa ay xusuusato ayaa ah inay rajo gashay kaddib markii ay maqashay oohinta ilmaheeda oo ku jiray gacanta kalkaalisooyinka iyo dhaqaatiirta qalliinka.

Iyada, iyo seygeeda, ayaa wiilka u bixiyay Jarrah waxaana loogu magac-daray dhaqtarkii badbaadiyay.

Waddooyinka isbitaalka xaafadaha u dhow waa kuwo ciriiri ah. Qaarkood ayaa ah kuwo jajaban amaba xiran sababo la xiriira siddeed sano oo uu dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda taageersan ee gacan-saarka la leh isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo iyo dhaqdhaqaaqa ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

Haweenka, xubnaha qoysaska, amaba saaxiibbada ayaa aalaaba haweenka uurka leh saacado caawiya iyagoo kasoo kaxeeya buuraha oo isbitaalka keena.

Salma Abdu, oo 33 jir ah, oo la socotay hooyo uur leh, ayaa sheegtay in intii ay waddada soo socotay ay aragtay haweeney uur leh oo geeriyootay xilli habeen ah.

Salma iwaxay ku boorrineysaa dadka inay naxariis u lahaadaan haweenka iyo carruurta.

“Waxaan u baahannahay waddooyin, isbitaallo, farmashiyo. Waxaan ku xayirannahay buurtan. Kuwa nasiibka leh ayaa si badqab leh u dhala. Kuwa kale ayaa dhinta, inkastoo ay safarka dhibka badan soo mareen ,” ayay tiri.

Qoysaska qaar ayaa lacag ku bixin kara isbitaalka alse ma heystaan wax ay halkaas ku tagaan.

Hooyo ayaa labadii saacadoodba ku geeriyoota Yemen xilliga dhalmada, iyadoo sababahaas qaarkood laga hortagi karay, sida uu qabo Hicham Nahro oo ka tirsan hay’adda arrimaha taranka u qaabilsan QM ee UNFPA.

Mr Nahro ayaa sheegay in mar walba haweenka ku nool miyiga Yemen aan lagu sameyn baaritaanno amaba aysan helin caawinaad ilaa marka ay dhiig baxaan amaba ay ku sugan yihiin xanuun daran maahee.

Wax ka yar kala bar ilmaha dhasha waxaa caawiya dhaqtar xirfad leh amaba keliya saddex meel ka meel waxay haweenku ku dhalaan xarun caafimaad, sida laga soo xigtay UNFPA. Shan meelood meel bulshada Yemen in ka badan saacad meel ka fog ayuu u jiraa isbitaal si buuxda u shaqeynaya.

Hannaanka caafimaad ee Yemen ee wanaagsaneyn ayaa liitay kahor dagaalka. Dagaalka, ayaa qudhiisa, burbur xooggan u geystay isbitaallada Yemen iyo waddoyinka, taasoo qoysaska aan u suurtogelineyn inay safraan dhib la’aan.

Isbitaallada ma heystaan shaqaale xirfad leh, qalab iyo dawo, iyo maalgashi waddooyinka ah iyo kaabeyaal.

Keliya shantii xarun mid baa bixin karta adeegyo la isku halleyn karo oo dhalmada iyo kuwa caafimaadka carruurta ah, sida ay sheegtay UNFPA.

‘Waxaan moodayay inay ii dhammaatay’

Sheekada Muna waa mid ka mid ah kiisas badan oo culeysyo ay hooyooyinka uurka leh ku wajahayaan Yemen. Inta badan qoysaska uma suurto galeyso inay lahaadaan gaari, iyadoo Yemen 80% bulshada ay ku tiirsan tahay gargaar.

Seyga Hailah ayaa isticmaalay lacagtii yareyd ee uu meel dhigtay intii uu ka shaqeynayay Sacuudiga si loo hubiyo in xaaskiisa ay u safri karto isbitaalka iyadoo la adeegsanayo mooto la soo kireeyay.

Markii ay biyuhu ka dillaaceen, dumaashigeed ayaa ku qaaday mooto, balse waddada ayay ku dhacday.

Markii la keenay isbitaalka Hadaka ee ku yaalla Dhamar, Hailah si degdeg ah ayaa loogu wareejiyay qeybta qalliinka.

“Waxaan moodayay inay dhammaadka tahay,” ayay tiri haweeneydan 30 jirka ah. “Wax waddo ah oo lagu badbaadayo nooma furneen aniga iyo ilmahayga aan dhalan.”

Bilaheedii hore ee uurka waxaa looga digay in ku dhalidda guriga aysan u ahayn wax suurtogal ah sababo la xiriira khataraha dhiig-baxa iyo caqabado kale oo uurka ah.

Dhaqtarkii joogay xarunta caafimaadka ayaa sheegay in Hailah iyo ilmaha la badbaadiyay saacaddii 11-aad.

Waxay gabadheeda ugu magac-dartay Amal oo ah “rajo” luqadda Carabiga.

BBC-da

Must Read

spot_img