Halka Uu Raheem Sterling Ka Gali Karo Shaxda Chelsea Hadii Uu Ku Biiro Blues Xagaagan.

115

Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Raheem Sterling ayaa ku jira 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Man City waxana uu doonaya in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Chelsea ayaa haatanba laga diiday dalab 25 milyan ah oo ay u soo bandhigtay kooxda Man City iyaga oo xiddiga ku qiimeeya lacag intaas ka badan.

Raheem Sterling ayaa boos joogto ah ka heli doona kooxda chelsea iyada oo Blue waayi doonto xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ka tagaya kooxda Xagaagan.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa ka ciyaari kara weerarka tooska ah iyo waliba garabka waxana uu dhalin karaa goolal badan hadii uu fursad helo.

Hadaba wargayska Mirror ayaa soo bandhigay halka uu Raheem Sterling ka gali karo shaxda Chelsea hadii uu ku biiro Blues xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here