Guutada Soomaalida ee Ukraine oo muuqaal laga duubay iyagoo dagaal ku jira

197

Kooxda la magac baxay “Guutada Soomaalida” ee u dagaallanta gobolka gooni u goosadka doonaya ee kraine, DPR, ayaa howlgalladooda sii wada, sida lagu arkayo muuqaal uu shaaciyay bogga telefishinka Ruptly.

Muuqaalkan oo la faafinayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa si toos ah loogu daawanayaa Dagaalyahannada “Guutada Soomaalida” oo howlgal ku jira iyagoo adeegsanaya taangi.

Ciidankan iyo taangigooda ayaa lagu arkay meel u dhow magaalada Avdeyevka, xilli ay ridayeen gantaallo kaddibna dib u cabbaynayeen qoriga taangigooda.

Bartilmaameedka ayaa ahaa warshad alwaaxyada lagu sameeyo oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Ukraine, sida uu sheegay taliyaha guutada howlgalka samaynaynaysay oo muuqalaka ka hadlay

Meesha aan tooganayno waxay ahayd mid masaafe dheer jira, oo dhan ilaa toddobo kiiloomitir,” ayuu yiri taliyaha.

Hase yeeshee taangiga ayaa islamarkiiba booskii laga kaxeeyay iyadoo laga ilaalinayo bartilmaameedka hoobiyeyaal ay kusoo beegsanayaan “cadowga” sida uu abaanduulaha kooxdan sheegay.

Waxa uu intaas ku daray in ay waddada tahay meesha ugu fiican ee wax laga shiishi karo.

“Waxaan go’aansannay inaan bannaanka furan wax ka tooganno, laakiin waan haleelnaa bartilmaameedka,” ayuu yiri.

Howlgalkan ayay Guutada Soomaalida billaabeen durba markii ay kasoo jeesteen dagaalkii lagu qabsanayay magaalada Mariupol, oo ay ku caawinayeen militeriga Ruushka.

Markii ay dib ugu noqdeen magaalada Donbas waxaa durbadiiba soo baxday in guutadan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa.

Markii ay Mariupol gacanta ku dhigeen ayay ku wareejiyeen ciidamada Ruushka, sida ay tabiyeen warbaahin uu ka mid yahay telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya.

Waxaa kusoo xigay muuqaalka hadda la hadal hayo oo ku saabsan howlgalkii xigay ee ay kooxda Guutada Soomaalida guda galeen.

Ruushka ayaa dagaal ku qaaday Ukraine dabayaaqadii bishii February ee sanadkan, waxaana dagaalkaas qayb ka ah dagaalyahanno calooshood u shaqaystayaal ah oo la kala safan labada dhinac.

Ilaa haddase “guutada Soomaalida” ayaa u muuqda kuwa ugu magaca wayn uguna awoodda badan, inkastoo ay dhammaantood yihiin dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada madaxbannaanida raadinaya ee Ukraine, kuwaasoo taageero ka haysta xukuumadda Moscow,

War kasoo baxay taliska sirdoonka Ruushka ayaa maanta lagu sheegay in dagaalka Ukraine ay ku guulaysan doonaan ka hor inta uusan dhammaanin sanadkan 2022-ka.

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here