Guddoomiyaha Dhallinyarada gobolka Hiiraan Mudane Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa kulan sagootin ah magaalada Beledweyne ugu sameeyay Abwaanno iyo Fannaaniin gobolka Hiiraan u soo gaaray dhiirra gelinta ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda ee Hiiraan kà wada howlgalka ka dhanka ah AS.

Guddoomiye Xiish ayaa uga mahadceliyay Abwaanada iyo fannaaniinta garab istaaga ree Hiiraan u muujiyeen,waxuuna u rajeyeen mustaqbal wanaagsan iyo in aay nabad ku tagaan deegaanadii aay ka yimaadeen.

Fannaaniinta iyo Abwaanada maanta Hiiraan laga sagootiyay ayaa ururka dhlinyarada gobolka Hiiraan maamulka iyo bulshada gobolka Hiiraan uga mahadceliyay sida aay ugu sameeyeen sodhaweynta iyo sagootinta quruxda badan, waxa aayna u rajeeyeen in aay ka guuleysan doonaan AS.