Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne iyo gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka ayaa Kormeer indho-indheyn ah ku geeyey saraakiil Sare oo ka socota Hay’adda FAO, goobaha Biyo Xireenada ee degmadda Beledweyne, aay ka Socdaan sidoo kalane waxuu xaruunta UN magaalada beledweyne kula yeeshay shir gaar ah OO looga hadlayo xaaladaha iyo hormarinta Mashaariicda bulshadda muhiimka u ah.
Gudoomiyaha ayaa warbixino iyo saraakisha sare Ee hay’adda ayaa wadajir uga dhageeystay warbixino la xariiro shaqooyinka biyo Xireenada Iyo dadaalada aay wadaan engineerada Hogaaminayo hoowsha ayagoo tibaaxay halka aay Marayaan hoowlaha aay hayaa.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo xaqiijinayo muhiimada aay leedahay dabagalka hoowlaha shaqo ee muhiimka ah ayaa dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii wax la taaban karo mashruuc hormarineed ah loo xaqiijin lahaa si looga hortago dhibaatada Dheeratay ee fatahadaha loona helo shaqo Daahfurnaan leh oo ku dhisan qibrad iyo waayo aragnimo buuxdo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Qubaradda engineeradda ah ee mudada dheer Waday dadaalada biyo xireenada gudoon siiyey Shahaado sharafeed shaqada aay qabteen Iyo sida Aay mihiimka u tahay xaqiijinta yoolka shaqo Guuleeysato oo taaba gasho.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu mar walbo si Daahfurnaan leh u garabtaagan yahay wax walbk OO lagu xaqiijin karo hormarinta Deegaanada Gobalka Hiiraan si looga gudbo daruufaha dheer Ku hareereysan bulshada magaalada beledweyne Ee Xaruunta Gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.