BELEDWEYNE:05:November:2023
GUDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN MUDANE CABDULAAHI AXMED MAALIN AYAA SHIR GUDOOMIYEY KULAN AAN CAADI AHEEYN OO LOOGA HADLAYAY AMNIGA GOBALKA HIIRAAN IYO SIDII SHACABKA LOOGA SAMATA BIXIN LAHAA XAALADAHA FATAHAADAHA EE FOODA NAGU SOO HAAYO.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi axmed Maalin oo aay wehliyaan xubnaha maamulka heer Gobal iyo heer degmo ayaa si wadajir ah Warxbixino uga dhageeystay saraakisha laamaha Amniga sida talisyadda militariga , booliska, Iyo (NISA) midaas oo lagu gorfeeyey xaqiijinta Sugidda amniga guud ee Gobalka Hiiraan.
Saraakisha ayaa si guud uga hadlay xaaladaha Amniga shaqooyinka guud iyo waxii qabsoomay Midaas oo leeysla qaatay qodobo muhiim u ah oo Kordhin u ah sugida amniga, gudoomiyaha ayaa Kaga mahadceliyay saraakisha shaqooyinka wanaagsan aay wadaan iyo doorka aay Kaga jiraan xaqiijinta Nabad-galyada.
Ugu dambeeyn Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakisha laamaha amniga ayaa isla qaatay sidii Qorsho amni loogu heli lahaa shacabka ka Barakacayo fatahaadaha loona Xaqiijin lahaa sidii loo caawin lahaa.
DHAMAAD