Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Cisbitaalada Muqdisho ku booqday dadkii dhaawacyada kasoo gaareen Qaraxyadii AS ka fuliyeen dhawaan degmada Maxaas.

Dhammaantood ayuu guddoomiye Jeyte u rajeeyay Caafimaad taam ah waxuuna ballan qaaday in qofkii dhaawaciisa dalka wax looga qaban waayo uu caafimaad dibadda maamulkiisa u qaadi doono.

Dadka dhaawaca ah ee guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu Cisbitaalka ku booqday waxaa kamid ah Wariye Khaalid Ilkacase oo xaaladiisa soo hagaageyso isla markii Labaad ku dhaawacmay dhagarta Qaraxyada ah oo maleeshiyada AS ka fuliyeen gobolka Hiiraan.