Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay u qeybsanaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha, Md. Cali Jayte Cismaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga saaray AS iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha JFS ee Macawisleyda, in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee dalka ka da’aya.

Share.

Leave A Reply