Muqdisho (radiohalgan.com)-Wararka aan ka heleeyno Magaalada Muqdisho ayaa tibaxaya in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Jeyte Cismaan oo ku sugan Magaalada Muqdisho asaga oo kulamo lagu xagal dacinayo Dowladda Goboleedka Hir-Shabeelle la qatay Mucaaradka Hir-Shabeelle

Dadka uu Shiraka layeshay waxa kamida wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Abdirizak Mohamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono)

Dhanka kale Abdirizak Mohamed ayaa doonaya in in Hirshabeelle madax isla gasho adsoo ka fa’ideeysanayo qilaafka xogan oo ka dhax alosan Gudoomiye Cali Jeyte iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabelle Yuusuf Dabageed.

Hase ahaate Yuusuf Dabageed iyo Tiimkiisa ayaa doonaya in xil ka qadiis lagu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Dhanka kale Gudoomiye Cali Jeyte ayaa kal hore la doonayay in xilka laga wado hase ahaate wax oo ku karta baxay Dagalkii uu ka bilabay Gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab si uu bulshada u kiciyo Magac siyaasadeed na ka helo kana badbaado xilka qatista markaas tagneed.

Gabi ahaanba waxa istaagay Dagaalkii Al-Shabaab lagu jiray iyo waliba qeybtii labad ee lagu xuraayn lahay Galbeedka Gobolka Hiiraan, hadda waxa tagan Dagaal Siyaasadeed iyo mid dhaqaalle, loolanka Hoganka Gobolka.

Shacabkii iyo shababka waa leyskaga dhax baxay Deegaanka la gubo iyo qarax dil iyo Afduub ayaa socodo.

Waxii warar ah oo ku soo kordho kala socda marwalba Ish wararka Radio Halgan