DAAWO:-Gudoomiye Cali Jeyte oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne kaddib Dalxiis oo muddo bil ku dhow ugu maqnaa magaalada Muqdisho,

277

Beledweyne(Radiohalgan.com)Wararka aan ka heleeyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tibaxaya in
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne kaddib Dalxiis oo muddo bil ku dhow ugu maqnaa magaalada Muqdisho, ayaa ballan qaaday in Fashilka maamulkiisa uu wax badan la qaban doono amniga Beledweyne.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey guddooniyaha Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin xiish saraakiisha amniga iyo qeybaha bulshada ayaa sodhaweyn sare Guddoomiye Jeyte ugu sameeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa bulshada gobolka u ballan qaaday in Fashil Danbe Amo Mamuul Xumi Danbe eysan dhaceynin kaddib markii gaabis dhanka amniga ah oo magaalada ka jiray aay sababtay in falal amniga lid ku ah iyo Musuq-Maasuqa Badan magaalada ka dhacaa,howlihii maamulkane gaabis uu ku yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here