Guddoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Cadifatah Xasan Afrax ayaa bartiisa Facebook oo ku qoray
Asc, salaan iyo qadarin Dabadeed…
Xeerarka Caalamiga ah iyo kan Soomaaliyaba waxey qabaan in Qofka caadiga ah Danbi lahayn layskana xiri karin oo aan xuriyadiisa lagu xadgudbi karin, kan xasaanada lehna wuxuu sii leeyahay xeerar gaara oo ku saabsan in la soo eedeeyo ilaa looga helo cadeymo lagu soo eedeeyo oo keeni karta in waaran soo qabashi ah maxkamadi u jarto dabadeedna la horgeeyo sharciga.
Marka waxaa iga sual ah Agaasimaha ma layska soo xiray ayadoon loo marin xarigiisa hab sharci ah? soo deyntiisana ma hab sharci ah ayaa loo maray mise xildhimaanadaa lagu sharfay? yaase Damaanad qaadaa in qof kasta ayadoon harci loo marin layska soo xirto?
Bal dowladnimadaas ha naloo cadeeyo.