Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Arte ayaa fariintan u dirtay Madaxweynaha cusub Hassan Sheikh Mohamud👇👇

48

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Arte ayaa fariintan u dirtay Madaxweynaha Ladoortay Hassan Sheikh Mohamud👇👇

Anoo ku hadlaayo magaca afka Shacabka Gobolka Hiiraan waxaan Madaxweynaha cusub mudane XASAN SHEEKH MAXAMUUD iyo dowladiisa ka codsanaynaa in uu shaqadiisa ugu horeeyso ka dhigo baarista qaraxyadii lagu halaagsamay ee ka dhacay gudaha Lamagalaay si gaar ah dilkii xildhibaanad AAMINO MAXAMED ABDI.

Sida aan ognahay Qaraxaas wuxuu ka dhacay gudaha Lamagallaay oo ay degan yihiin maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne, qaybaha kala duwan ee Ciidanka qalabka sida, ayadoo markii uu qaraxaas dhacaayay ay magaalada ku sugnaayeen dhamaan madaxda ugu sareeysa maamulka HIRSHABEELE.

Meesha uu Qaraxa ka dhacay waxaa ka horeeyo checkpointiyo dadka aad loogu baaro, waxaana Sidoo kale meeshaas ka socday doorashada Baarlamaanka Soomaaliya oo sababaysay in amaankeeda aad loo adkeeyo.

Shacabka reer Beledweyne waxay aad ula yaabanyihiin kuna ah uurkutaalo madoow, sida meeshaas qaraxa loo geeyay iyo in aan wali laamaha amaanka wax baaritaan ah aysan samaynin, cidna aysan ilaa hadda daba galin.

Shacabweynaha Reer Hiiraan marnaba ma iloobi doonaan dhagartaas ka baxsan muslinimada iyo Soomaalinimadaba ee loo maleegay, mana nasan doonaan illaa caddaalada laga soo horkeeno mujrimiinta abaabulay qaraxyadaas.

N.B. Waxaan idinla wadaagi doonaa xogo arintaan ku saabsan dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here