Gudoomiyaha ku Fashiliyey Gobolka Hiiraan Cali Jeyte: ayaa yiri “Dadka Hiiraan uma baahna Saabuun & Baaldi yar oo maran”.

142

 

Guddoomiyaha Musuq-Maasuqa ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin u diray qaar kamid ah Hay’adaha samafalka ee Gobolkaas geeya gargaarka ay u qaybinayaan Qoysaska ka barakacay abaarta iyo fatahaadda is xigay ee Wabiga Shabeelle sameeyay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ee xaaladaha adag wajahaya aanay u baahneen Saabuun iyo Caagado maran oo aan nacfi u lahayn balse baddelkooda waxa uu u dalbanay in raashin loogu baddelo.

Inkasto Marar badani Maamulka Gobolka Hiiraan ee Musuq-Maasuqeen Rashiinka logu talgalay Dadka danta yar ee Magaalada Beledweyne ku nool xeryaha barakacayasha.

Hase yeeshee Cali Jeyte ayaa yiri “Saabuun iyo baaldi yar oo lagu faraxasho uma baahnin, maalin kahor waxa aan tagay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne waxa aan ugu tagay Diyaarad dejineysa bahalo yar yar oo bacbalayaal ah oo waxa ay yihiin aanay gareyn oo haddii saas loo tuujiyo isku qabsoomaya” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

“Waxa aan weydiiyay shirkaddii iska lahayd diyaaradda ee laga soo kireystay, waxa uu ii sheegay in lagu soo ijaartay $7,000 (todobo kun oo dollar), agabka ay sidanaya uu yahay $800 (Siddeed boqol oo dollar), marka diyaarad lagu soo kireynayo $7000 ee lagu soo qaadayo agab ku fadhiya $800, lacagtaas maa shub naloogu dhiso ilaa inta webiga u dhaxeysa taas ayaa anfac lahee, Xamaaligii raraayay ayaa ku dhahay dib ugu celiya diyaaradda” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Shacabka Gobolka Hiiraan uma roono Hay’adda iyo Maamulka intaba waa Musuq-Maasuqa

Jeyte ayaa yiri waxa uu sheegay in ka maamul ahaan go’aankoodu in uu yahay in ciddii waxtarta reer Hiiraan loo mahadceliyo isla markaana waxa ay dhiibto wax ku darsadaan shacabka gobolkaas si ay ugu daboolaan sida ay u kala badan tahay baahiyaha taagan.

GOBOLKA HIIRAAN ALOW SAHAL Amuuraha

Deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan waxaa saameyn taban ku reebay Ayax baabi’iyay Dhul baaxad weyn oo naqii saarnaa dhulka dhigay, fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle Mamuli Xumi Musuq-Maasuqa hase ahaate waxa barakiciyay boqolaal qoys halka ay ugu darantay abaar dadka iyo duunyada saameysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here