BELEDWEYNE:05:November:2023
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin oo aay wehliyaan masuuliyiin ka’tirsan maamulka heer gobal iyo heer degmo Ayaa kormeeray keliga waraboole oo aay ka Socdeen hoowlaha biyo xireenka.
Gudoomiyaha ayaa u kuurgalay sidoo kalene shacabka ka dhageeystay tabashooyin aay ka qabeen hanaanka uu hirgalay kuna socday biyo Xireenka, keliga waraboole midaas oo maamulka Gobolka Hiiraan bulshada u balan qaaday in lasixi Doono caqabadaha jirto, kana dhageeystay.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale u kuur’galay Xaaladaha daadadka ee wabiga ku soo kordhay Ayadoo inta badan bulshada ku nool hareeraha Wabiga dagan aay isaga baxeen, taas oo Maamulka Gobolka Hiiraan horey dib-udajin ugu Sameeyey (240) qooys ayadoo inta badan Sacaadahii la soo dhaafay shacab badan aay ka sii Barakaceen guryahooda.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu dadaaladii ugu Dambeeyey ee lagu xaqiijinayo biyo xireenada si Loo helo ka hortag dhimi karo qataraha Sidoo kalane sidii loo heli lahaa kadaba tag shacabka looga samatabixiyo fatahaada culus ee laga cabsi Qabo midaas oo dadaal uu ka wado Maamulka Gobolka Hiiraan .
DHAMAAD