BELEDWEYNE:09:November 2023Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeenka hoowlaha guud iyo Dib-udhiska mudane cabdi Xayuud iyo afhayeenka Gobalka Hiiraan mudane liibaan Cabdi Cumar Isku-duwaha shaqada iyo shaqaalaha Gobalka Hiiraan Galad Suuleey, ayaa ka qeeyb-galay munaasabad tababar loogu soo Xirayay ku dhawaad 430 arday oo dhameeysatay Barashada farsamada gacanta.
Hay’adda (DRC) oo ardaydaan ka qalinjibiyay Machadka Himas garab siisay kuna soo xushay Guud ahaan xaafadaha degmada Beledweyne ayaa Faah-fahiyey ayadoo munaasabad aay ku sugneed Madaxa ugu sareeysa Hay’adda DRC .
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdulaahi Axmed Maalin ayaa xusay ineey ahmiyad u Leedahay dhalinyarada loo tababaray farsamada Gacanta, ayadoo shaqo abuur aay u noqoneeyso iyo xaqiijinta wax Soo saarkooda dabiiciga ah midaad oo gobalka u Ah faa-ido weeyn.
Gudoomiyaha ayaa xusay in cid walbo oo wax ku soo kordhineeyso hormarinta dadka iyo Deegaanka aay gacmo furan iyo aragti dheer ku Soo dhaweeynayaan midaas oo kabeeyso hanaan Dhaqan dhaqaale ee gobalka si loo hormariyo Bulsho dhinac walbo aay la hareen sameeyno Kala Duwan .
DHAMAAD