Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenadda Golaha Shacabka ayaa maanta waxay shahaado sharaf guddoonsiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Col. Xasan dhicisow, Taliyaha Ciidanka Baarlamaanka col. Dahir Sheekh Axmed, saraakiil sare oo qayb wayn ka qaadatay sugida Amniga iyo Taliyaha guud ee ciidanka ATMIS qeybta (Sector 1) Brig. Gen. Keith Katungi, oo shahado sharafta la guddoonsiiyay ayaa waxay sheegeen “in ay aad ugu farxeen uguna mahadcelinayaan Guddoomiyaha”.
Qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu “Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Saraakiisha ku amaanay in door muhiim ah ka qaateen Ilaalinta iyo sugida Amniga taas oo ay maanta ku muteysteen Shahaafo sharaf muujineysa dedaalkii dheeraa ay geliyeen Sugida Amniga Doorashadii ka dhacay Afasiyooni 15 May.”
Saraakiishaan ayaa kaalin weyn kulahaa doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.