Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Shacabka Oo Maanta Gaartay Garoowe & Ujeedka

140

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Sadiya Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dawlad Gobaleedka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Magalada ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenka ku soo dhaweyey qaybaha kala duwan ee Maamulka Gobalka Nugaal, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka BJFS iyo Mas’uliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Sadiya Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara gaarsiisay Maamul Gobaleedka Puntland, si Abaarta daran ee Goboladda Puntalnd ka jirta Gurmad loogu fidiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in aysan ahayn Deeqdii ugu danbeysay aysan ahayn, balse si dadka liita loogu gurmado ay deeqdan u soo hormariyeen shacabka Puntland.

Sadiya Yaasin Samatar ayaa inta ay ku sugan tahay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kulam la qaadan doontaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here