HomePolitcalHirshabbelleGuddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka HSH ayaa Maanta uu gaarsiiyay Seddex Booyadood Barakacayaasha Beledweyne

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka HSH ayaa Maanta uu gaarsiiyay Seddex Booyadood Barakacayaasha Beledweyne

Beledweyne(Halgan.online)-Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Mudane Siraaji Sheekh Isaaq (Codey) ayaa Biyo dhaamin u sammeeyay Dadkii ku barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle ee Beledweyne Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadkan oo ah kuwa baahiyo badan oo kala duwan qaba ayaa halis ugu jiray Biyo la’aan daran , Deegaanada Dabeyl , Wada-Jir iyo Deegaano kale ayaa Maanta uu gaarsiiyay Seddex Booyadood oo Biyo ah.

Dadka Deegaanka ayaa Gudoomiye Siraaji ugu Mahadcelinay garab istaagiisa xilli ay baahi badan u qabeen Biyaha

Gudoomiye kuxigeenka Koowaad Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Siraaji Sheekh Isaaq ayaa sheegay inu sii wadi doona caawinta dadkiisa.

Gurmadkan biyaha ee Maanta la gaarsiiyay dadkaan ku barkacay bananada galbeedka Magaalada baladweyne ayey noqoneysaa deeqadii ugu horeeysay ee aay helaan tan iyo markii aay barkaceen 12 Maalmood kadib markii wabiga ku fatahay.

Must Read

spot_img