Gobolka Hiiraan oo ah halka uu ka bilaawday kacdoonka Shacabka ee JID IYO JAHADIID, tusayna Shacabka Soomaaliyeed iftiin bidhaamiyay in laga adkaan karo ururka Alshabaab ee ka shaqeeya ciribtirka diinta suuban iyo Shacabka Soomaaliyeed, guula badana laga gaaray dagaalkii lala-galay ayaa hadda u muuqda dabacsanaan xagga hoggaanka ah. Kadib markii gudoomiyihii gobolka uu mudo kasii maqan yahay gobolka asoo mudo ku sugnaa Xamar, haddana la sheegayo in uu dibadda kasii aaday.

Waxa kale oo gobolka joogin Madaxda HirShabeelle mana joogaan Jowhar oo Xamar ayay joogaan. Waxa kale oo kacdoonka qeyb weyn ka ahaa Xildhibaanda Federaalka oo ayagana maalmahan muuqooda iyo warkoodaba laheyn.

Arrimahan ayaa sabab u noqday in AS. qaraxyo maalinle ah ama asbuuciiba ugu yaraan 2 jeer ay ku qaadaan magaalooyin waa weyn iyo in ay gubaan ceelasha iyo in ay xoolaha nool sida ariga waxii ay wadan waayaan ay dilaan sida aad ka arragteen meediaha.

Waxa si weyn u muuqda gobolka Hiiraan firaaq hoggaan kaas oo sababay qal qal ay shacabka ku hayaan Qawaariijta ayaga afduub u heysta dad 100 qofood gaaraya.

Ugu dabeyn madaxda waxan ka codsanayaa in ay gobolka ku soo laabtaan oo halgankii halkii kasii wadaan si loo yareeyo waxyeelada shacabka.

<•••• Dad Dalka U Siman •••••>