Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waa geyri aan aad uga naxay Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuurre) oo Khawqariijtu ay saakay aroortii asiga askar kaleba ku dileen degmada Galcad oo katirsan Galgaduud.

Xasan waxa uu ahaa geesi mumin ah, wadani ah, aqoonyahan iyo dhalinyaraba ah. Waxa uu ahaa geesi sabab u ahaa in Khawarijta laga xoreeyo Hiiraan, Sh. Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Waxa uu ahaa nin marka ay Khawarijtu maqlaan in Xasan Tuure ku soo socdo in cagaha wax ka dayaan oo aysan ku dhiiran karin dagaal kafool ka fool ah.

Waxan u tacsiyaynayaa Xaaska, qoyska, ehelka CXS, Danab iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ilaahey ha u naxariisto Gaashaanle Xasan iyo askarta kale ee dhimatay, inta dhaawaca ahna Rabbi ha bogsiiyo.

Ugu dabeyn Geesi Xasan Tuure iyo geesiyaasha kale ee dalka iyo diinta u dhintay waa in aan ugu hiilino Khawaariijta in la soo afjaro.

<•••• Dad Dalka U Siman •••••>