Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle oo u wehliyay Ku xigeenka Ergayga Qaramada midoobay ee Somalia George Conway ayaa maanta soo gaaray magaalada beledweyne
Garoonka ugaas Khaliif waxaa kuso dhaweeyay guddomiyaha Gobolka hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin Agaasimaha Wasaaradda Gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Hirshabelle Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo madax kale oo maamulka kamid ah.
Ujeedka Socdalka madaxdan ayaa ah u kurgalka iyo u diyaargarowga Digniinaha iyo cabsida xoogan ee laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka #ElNiño.