Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay Safiirka Jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya.

130

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta  kulan la qaatay Safiirka Jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Ugu horreyn Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa, isaga oo xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa  Jamaacada carabta ku amaanay doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka BFS. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Tan iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ee 27 April 2022 ayaa waxaa waxa uu qaabilay Safiirrada waddmada Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaga oo la wadaagay Guddoomiye Aadan Madoobe dhambaalo hambalyo iyo bogaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here