Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay tababar heer Degmo ah oo ku sababsan hagaha Howl-gelinta BAXNANO (Baxnano operational Manual Training).
Tababarkaasi oo aay ka qeyb galeen Guddoomiyayaasha degmooyinka maamulada Galmudug koonfur-galbeed Hirshabelle iyo Jubbaland, ayaa waxaa qudbad wax tar leh oo dhinacyo taabaneysay waxaa ka jeediyay Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.
Guddoomiye Muumin Maxamed Xalane ayaa lagu amaanay doorkiisa hoggaaminta howlgalka ka dhanka ah Argagaxisada iyo sida maamulka degmada Maxaas ugu fufudeeyay hay’adaha Sama-falka in Mashaariic horumarin ah ka fuliyaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.