Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cali Axmed Shire (Cali Fahle) ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgallo saacado qaatay oo ka dhan ah walxaha maanka-dooriya oo ka dhacay Waddada Tarabuunka.

Cali Fahle ayaa sheegay in Tarabuunka ay saldhigteen qaar kamid ah Dadka iibiya iyo kuwa isticmaala Walxaha maanka-dooriya oo saameyn taban ku leh nabadgalyada Degmada Hodan & guud ahaan Caasimadda.

Waxa uu sheegay in dadka isticmaalayay qaarkood ay wateen dharka ciidanka Dowladda halka ay shatiga kala laabteen goobaha qaarkood maadaama fasaxii ganacsiga ay heysteen ay u baddeleen in ay iibiyaan maandooriye.

“Waddada Tarabuunka waxa ay noqotay meel halis badan oo lagu iibiyo Daroogada Noocyadeeda kala duwan, ku dhowaad 10  berri ayaa halkaan ka shaqeyneynay si aan u kala garano dukaamada lagu iibiyo waxlaha maanka-dooriya & kuwa sida caadiga ah u ganacsada, Goobo lagu iibiyo Cabitaanno & Farmashiyeyaal ayaan aragnay iyaga oo lagu iibinayo Daroogada” Guddoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale tilmaamay in ay ku wajahan yihiin Hoteello iyo goobo kale oo qayb ka ah waxlaha maanka-dooriya isaga oo ku goodiyay in aanay dhici Karin goobaha lagu iibiyo Daroogada.

Shacabka ayuu ka codsaday in ay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha Amniga isla markaana ay ku wargeliyaan waxyaabaha dhibaatada ku ah nabadgalyada iyo horumarkooda iyagana ay diyaar u yihiin in ay jawaab degdeg ah bixiyaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Radiohalgan.com

Share.

Leave A Reply