Guddoomiy Cali Jeyte oo ku amray Odayaasha dhaqanka & Dhalinyarada ka qeyb galka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

313

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa ka warbixiyey howlgalladii mudada dhowrka bilood ah ay ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayay ka wadeen degano katirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magalada Beledweyne oo uu kusoo laabtay ayuu ka soo saaraan Go’aano la xiriira Amniga, kuwaas oo ku wajahan, Hay’adaah samafalka, Odayaasha dhaqanka, Ururrada Dhalinyarada & guud ahaan Shacabka gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa Hay’adaha samafalka faray in aysan shaqaaleeysiin karin Dad aanan la hubin oo aanan marin habraacyadda ammaanka  sidoo kalane  aqoonsi ka haysan Maamulka Gobalka hiiraan ayna ahaadaan Dad deegaanka ah Hay’adii fulin waaysa amarkaas ay wajahi Doonta sharciga iyo xeerarka ugu  Mudan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan in ay Tuutaha qaataan oo Dadka ay Nabadoonada u yahiin cadawga ka difaacan oo Bulshadooda abaabulaan  Nabadoonkii aanan safka Dagaalka soo gelin ama Afkaaritiisa aanan cadeeynin,dhaqananimadiisa dib loo baari doono.

Waa hadalkiisa uu intaasi kudaray guddoomiyaha Gobolka Hiiraan in maamul ahaan aysan aqoonsanan doonin ururkii Dhalinyaro ee aanan qeyb ka noqon Howlgallada ama aanan dhiiri-gelin iyo abaabul Bulsho aanan sameeynin .

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Shacabka  in maanta aysan jirin  maalin ay ka awood yar yihiin Al-Shabaab muhiimna ay tahay in ay iska dulqaadan oo ay Hiil iyo hooba la garab istaagan Shacabka Ciidamada qalabka sida, isla markaana ay muujiyeen dareenkooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here