Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika, kaas oo la filayo in la horgeeyo Golaha Shacabka.
Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.