Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Golaha Shacabka oo meelmariyay Hindisa Sharciyeedka Hay’adda NISA & Sharciga Korontada dalka
    Gudaha

    Golaha Shacabka oo meelmariyay Hindisa Sharciyeedka Hay’adda NISA & Sharciga Korontada dalka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 6, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga labaad kulankiisa 16aad, kaas uu shirguddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

    Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa meel marinta sharciga Korontada dalka iyo Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonak Qaranka NISA, kaas oo ay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku sameeyeen Akhrin koowaad iyo mid labaad.

    Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka shirguddoomiyay ayaa ku dhaawaqay natiijada meelmarinta Sharciga karoontada, isaga oo sheegay in 148 xildhibaan ay Haa ugu codeysay sharcigaan.

    Dhanka kale Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, 144 mudane ayaa Haa ugu coddeysay, Saddex Xildhibaan ayaa ka aamustay halka hal xildhibaan uu diiday.

    Meel marinta ka dib Bayaan ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Hay’adda uu ugu mahadcelinaya Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya meel marinta sharciga Hay’adda, isaga oo ka codsaday Golaha Aqalka Sare in ay meel mariyaan xeerkaan.

    Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa markii ugu horreysay yeelenysa sharcigii u horreeyay ee Hey’adda tan iyo dowladdii Kacaanka ee Hey’adda loogu yeeri jiray NSS, Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa noqday agaasimihii u horreeyay ee Hey’adda soo mara oo sharci u sameeya, isla markaana ay ansixiyaan Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka ee BFS

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG-DEG: M/weyne Deni oo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland
    Next Article RW Xamse oo guddoomiyay Shir looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Ciidamada Dowladda oo Howlgal ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

    March 4, 2023

    Ciidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan urur 5-aad iyo ciidanka nabad sugida dawlad goboleedka jubbaland, ayaa…

    Taliyeyaasha booliska gobolka BANAADIR oo isbeddal lagu sameeyay maanta (Aqriso)

    March 22, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.