Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay ammaro la xariira dhinaca amniga oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu shaaciyay in la xiray waddooyin ka yimaada degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo soo gala magaalada Dhuusomareeb.

Ammarka kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudig ayaa imaanaya xilli ay socdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab sidoo kale la qorsheenayo duullaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadaan degmada Ceelbuur.