Gabood fallo ayaa loogeystay qalbiga ayeey ka gubanayaan balse kamma hadli karraan shacabka reer Beletweyne.

241

Dhamaan Somali-weyn waxa aay wadda qirreeen shacab-ka reer Beletweyne inneey yihiin Dad ilbaxnimo aqoon iyo hogaamin leh waanna dhif iyo naaddir magaallo lamid ah oo ku taallo Gayiga Somalia manna jirto magaallo latartammi karto dhan waliba haddii lagga eeggo.

 

Magaaladda Beletweyne wax baddan ayeey caan ku tahay Amma bulsho baddan ku soo jiidatay waxaanna ka mid ah heestii caanka ka noqotay Gayiga somali-da oo aheyd Beerlulla Allahayoow lagguna dhiggi jirray School-ladda Dalka xiliggii Dowladdii uu madaxweynaha ka haa Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre waxa kalle oo laggu xasuustaa magaaladda Beletweyne Dad jaceyl wadda in leys ixtiraammo.

 

Balse Qarnigaan 21-aad maxaa ka cusub magaaladda Beletweyne maxaa kaa qarsoon maxaadan ka ogeyn haddii aad ku nooshahay Amma haddii aad dibad joog ka tabay wali miyaad u kuur gashay oo si dhab ah u daraaseysay xaalka magaaladda Beletweyne.?

 

Magaaladdu maamul ayeey leedahay ka bilowdo Gudoomiye Gobol Mid Degmo maamul maaliyad police military Asluub Sirdoon iyo adeeg waliba oo uu bixiyo maamul jirraa guud ahaantiis balse maxaa ku dhacay oo qalibay intaas aan soo sheegnay film miyaa laggu jillaayaa mise waa qawda maqashii waxna ha’uqaban .

 

Kufsi dhac boob iyo Dil intaba maaha magaallo ka baaqsato shacab-ka ku nool magaaladda Beletweyne majirro shacab ka dhibaato baddan maalin waliba waxa aay goob joog u yihiin Godoob fallo horey loo arki jirray iyo kuwa ku cusub Gayiga Somalia Amma magaaladda Beletweyne oo horrey loogga barran .

 

Koronto kamma jirro magaaladda Beletweyne xaafadba habeen ayaa lagga demiyaa waxaaba ka sii darran maamulka magaaladda ka jiro markuu rabbo innuu wax qaribo waxa aay waxaan qolyaha korontadda gabbi ahaana hawadda ayaa lagga saarayaa adeegga korontadda wax xaquuq ah oo aay leeyihiin majirto manna loo’ongolli shirkad kalle inneey koronto leysku haleyn karro geyso magaaladda.

 

Cabidda Qamriga xashiish-ka Afduub-ka iyo dhowr musiibo oo kalle ugguna horeyso in ladhoco hantida shacabka Beletweyne maalin waliba waxaa laqaaddaa caanshuur Airport Amma mid lagga qaaddo Gaadiid-ka u kalla goosha Goboladda Dalka Sidda Bosaaso puntland sidda kuwa xoollaha iyo qudaarta u qaaddo laganna qaaddo lacag aad u baddan

 

Lacagaha lagga qaaddo Gaadiidka iyo Duulimaadyadda taggo Magaaladda Beletweyne isku celcelis maalin kasta waxa aay gaareysaa 95.000 oo Dollar waa lacag ku dhow 100 .000 oo Dollar waanna lacag ummad dhan laggu hormarrin karro mustaqbalkoodda Kan dhow iyo Kan fog haddii Bil ahaan lafiirriyo lacagtaas waxa aay gaareysa 2,850,000 oo Dollar Sanad ahan haddii lafiiriyane waxa aay gaareysaa 34,200,000 oo Dollar Xaggee lageeyaa maxaase laggu qabta waa su’aal taaggan ?

 

Majirto illaa hadda hal leyr Amma waddo laggu sameey caanshuuraad-kaas lagga qaaddo shacabka Beletweyne xisaab Celine majirto sababtoo ah caafimaad darro biyo la’aan fatahaaddo dhac dil boob iyo Amni darro ayeey ka cawdaan maalin iyo habeen cabsi ayaanna u sii dheer oo ma hadli karraan kii hadlaa waa ladillaa oo waabba ogyahay halka uu ku dambeyn doonno haddii uu hadlo.

 

Maamulka shirkadaha ganacsiga Dad qaas ah oo isku xirran ayaa gacanta ku haayo muddo 20 sanno ah manna ongollo gacabtoodda maahine gacan kalle in farraha soo gashato maamulka iyo hogaaminta magaaladda Beletweyne haddii dhismo qandaraas laggu qaadanaa ayiga ayaa qaato haddii Go’aan masiirri ah lagaaraayo ayiga ayaa gaarro manna ka dabba hadli karro qof kalle

 

Shacab-ku miyuu damiir laheyn miyuu ka tashan karrin mustaqbalkoodda Kan caruurtoodda Kan jiilka dhaxli doonno miyeysan ku baraarugsaneyn Aduunkaan inuusan qasab jirrin miyeeysan fahansaneyn Kan aay ka cansoonnaan innuu yahay Bini’aadam lamid waxba dhaamin xitaa haddii ladhimanaa geeridu xaq tahay maalin lagguuggu dareyn waqtiga aad dhiman laheyd.

 

Dhanka shaqaaleysiinta haayadaha Amma midka maamulka Dad goonni ah ayaa go’aan ka gaarro manna jirto haayad dhihi karto annaga xur ayaa nahay ciddii aan doonno Ayaan shaqaaleysiineynaa oo annaga ayaa ah kuwa go’aan gaarri karro miyaad fahanaantahay sababta aay go’aan u gaarri karrin wali miyaad baaritaan ku sameysay sababta waxa aay tahay Dil iyi dhimasho ayeey k baqaan oo kuwa isku dayay inneey go’aan gaarraan ayaa qoorta loodheereey meyd-koodanne lawaa.

 

Haddii aad safar ku tagto magaaladda Beletweyne durbo waxaa billaabaneyso muxuu yahay muxuu soo doonnay muxuu rabbaa intaa kamma ahan in Amnigga lagga shaqeynaayo ee waxaa larabaa hadafka aad u socoto in la’ogaaddo haddii aay soo baxdo innad tahay mid waddo mashruuc durbo waxaa kuu soo dhacaayo Telephone oo aad aqoon waxaa hadal laggaaga billaabayaa kaallay immoow xarunta maamulka soo matahid hebel Amma heblaayo kuwa ku soo wacaa waxaa gadaal ka fadhiyo oo aay addagtahay innaad ogaato waa kuwa milkiilayaal ka ah kuwa isku sheeggo inneey yihiin maamul Dadkaan wax u qabanaayo.

 

Tan uggu darran waxa aay tahay Qamriga oo Alla xaraantinimeeyay qolla goonni ah ayaa keenni karto haddii mid kalle oo Alla immaanka ka qaadday isku dayo innuu keenno labba maalin kadib waxaad maqleysaa Alla iyo raxma Hebel waa ladilay meydkiisa ayaa meel hebel lagga soo hellay oo kuwa ayaabba dhahaayo Al-shabaab ayaa dillay waanna arrinta muddan in wax leyska weydiiyo qof waliba oo laggu dillo magaaladda Beletweyne Al-shabaab miyaa dillay.

 

Shacab-ka ku nool magaaladda Beletweyne 95% maaha Shacabkii laggu yaqiinay magaaladdaas waa jiil hadda soo baxay iyo qaar kalle oo ka immaaday Degmooyinka kalle tuulooyinka iyo meella kalle oo fog fog waanna sababta keentay inneey iska dulqaaddi karri waayaan heeryadda saarran Amma uggu yarraan ku fakarri waayaan haddii wax leeddiin qabaneyn wax caanshuur ah habixinaha xaqa ku dhinta oo Alla tallo saarta.

 

Fajaca uggu weyn mid Mooryaan ah oo layaqaan ummad baddan qarribay xoollo Dad-weyne qaatay wax uusan cafinnaa eysan jirrin ayaad arkeysaa kuwa kalle oo difaacaa waa heerka aay gaarsiisantahay Qabyaadda iyo Qabiilka waanna musiibo aay addagtahay in ummadaan ka soo kabsato waanna wax dhuuxa hoose u gudbay kaas mooryaanka ah haddii aad wax ka sheegto waxaad isku xumaaneysiin mid kalle oo isku qabiil yihiin oo aad isku fiicneedeen .

 

 

Laheyste intaad noqon laheyd noqo mid hal saac ku noolaaddo Nolol xur ah intaad qabiil laggu dhici lahaa hantidda dhaxalka ubadkaadda noqo mid hal saac ku noolaaddo Nolol Xur ah intii aad noqon laheyd mid laggu shaqeysto noqo mid asiga shaqeysto oo wax tar leh kanna korro fikirka gumeystaha Dadban ee kulla joogo noqo mid xur ah cabirro fikirkiisa kunna nool jiwi uu ku faraxsanyahay balse aan ku nooleyn Shilimaad Yar uu ku quudiyo Gumeystaha Dadban ee kulla jooggo hanoqdo Inna adeerkaa Amma Aabahaa.

 

Xurnimo ayaa Nolol iyo Nabad leh miyaad raali ka wadda noqoteen innaad ku sii jirtaan gumeysiga miyuusan jirrin hal mid oo idinka mid ah oo billaabo xurnimo doon-ka miyaaddan aaminsaneyn innaad tahay milkiilaha dhabta ah ee iskalleh Magaaladda Beletweyne xal miyaad u arragtaa mid Mooryaan ah innuu ku noollaaddo Nolol heer sareyso adigane aad noqoto mid Mar waliba ka sii qaxo Fatahaad iyo Collaad .

 

Xogtaan Radio halgan wuxuu ka soo aruuriyay shacabka magaaladda Beletweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here