Dilka gabar 17-sano jir ah oo ka dhacay dalka Kuuba ayaa guud ahaan dalkaasi argagax geliyay sababtoo ah waxa uu ka dhacay saldhig boolis.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Nuevoitas ee ku taal bartamaha gobolka Camagüey ee dalka Cuba, taasoo qiyaastii shan boqol oo Kiilo mitir dhanka bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Havana.
Dhacdada ka dib, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kuuba waxay sheegtay oo kaliya in nin 50 jir ah oo dambiyo kale loo haystay ayaa saaxibtiis oo 17 jir ah dilay isaga oo isticmaalaya qalab af leh.
BBC Laanteeda afka Mundo ayaa tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan dhacdada ka heshay saxafi maxali ah oo la yirahdo Jose Lui.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo laga soo xigtay qoyska gabadha ayaa sheegaya in eedaysane Aliswan Hidalgo uu xiriir dhow la lahaa dhibbanaha, balse dhibbanaha ayaa habeenimadii Sabtida ku sugnayd xaflad uu Hidalgo ku handaday oo uu u hanjabay, ka dib Lede waxa uu aaday saldhig boolis oo u dhowaa.
José Lui oo ah saxafi waxa uu leeyahay “Dhacdadan oo dhan lama oga, balse waxaan ognahay in ninkaasi uu galay saldhiga oo uu dilay gabadha”.
Afhayeen u hadlay urur aan dawli ahayn ayaa BBC Mundo u sheegay in dhacdadan oo kale ay ka dhacdo saldhig boolis ay dhalinayso su’aalo badan.
Dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay habacsanaanta booliska ee lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen ilaalinta gabar aan qaangaar ahayn.
Dhinaca kale, dhacdadan ayaa muujisay sare u kaca kiisaska xadgudubyada galmada iyo dilka haweenka ee Cuba.
Sida laga soo xigtay xogta urur aan dowli ahayn, lix haween ah ayaa lagu dilay dalkaas sanadkan, halka 2022 ay ahayd 36.
Afhayeen u hadlay ururka ayaa sheegay in tirada dhabta ah ay aad uga badan tahay tiradaas.
Ilaa dhowr sannadood ka hor, dowladda iyo warbaahinta rasmiga ah ee Cuba ayaanan ka warramin dhacdooyinka noocaas oo kale ah, waxaana laga qariyay indhaha bulshada, laakiin baraha ay bulshada ku wada xiriiraan iyo internetka awgii way adkaatay in la qariyo dembiyada noocaas ah.
Afhayeen u hadlay ururka UCT Crew ayaa sheegay in internetka dartiis ay jiraan dad xogta noo soo gudbiya oo haatan waa laga soo gudbay waqtigii la is aamusin jiray.
Dad badan ayaa garwaaqsan in isbeddel uu ka dhici doono Cuba.
Bishii Sibteembar 2022, xeer cusub ayaa la ansixiyay kaasoo dhaqan geliyay hab cusub oo lagu maamulayo baraha ay bulshada kuwada xiriiraan iyo xiriirrada gaarka ah.
Sharciga waxaa loogu talagalay inuu ilaaliyo haweenka wuxuuna xoojinayaa shuruucda si looga hortago rabshadaha, balse sida laga soo xigtay ururka la yiraahdo UCT Crew, dadaalladani kuma filna wax ka qabashada dhibaatada.
Sida laga soo xigtay afhayeenka ururka, jiritaan la’aanta tallaabooyinka ku habboon ayaa sabab u ah inay adkaato in cadaalad la helo.
Kiiska Bequier
In kasta oo dhaleecayntaas oo dhami ay jirto, haddana dadaalka warbaahinta iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ay wadaan ayaa horseeday natiijooyin ay dhowr sano ka hor adkeyd in lagu fakero in la gaari karo.
Tusaalaha muhiimka ah ee dhawaan dhacay ayaa ah kiiska Fernando Bequier.
Sannadkii 2021, waxaa la bilaabay ol’olaha Cuba ee aniga xitaa, kaddib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan xadgudub galmo oo uu gaystay fanaanka lagu magacaabo Bequier.
Bequier waxaa lagu tirinayay inuu u dhow yahay dawladda Cuba waxaana la rumeysnaa inuu sharciga ka sarreeyo, laakiin eedeymaha ah inuu dambiyo galmo ka galay dumar badan ayaa isa soo tarayay.
Bequier waxaa bishii Oktoobar 2022 lagu xukumay shan sanadood oo xarig ah, balse xukunka kaddib Bequier ayaa daabacday waxyaabo loogu jeesjeesayo dhibanayaasha, taas oo cadaadiska ku kordhisay hannaanka cadaaladda ee Cuba si uu dib ugu eego xukunka Bequier.
Xig. BBC SOMALI