Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka saacadihii ugu dambeeyay qabsaday hadal heyn ka dhalatay Cambo ay dowladda Masar usoo dhoofisay Soomaaliya, kaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee magaalada caasimada Muqdisho.
Cambahan oo ka qiimo sarreeya kan kasoo go’a beeraheena ayaa sidoo kale maanta lagu arkay suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho.
Halkii xabo ee Cambaha Masar ayaa waxaa la iibinayaa 2 dollar, halka Cambaha kasoo go’a Shabeelooyinka la iibanayo xabaddii nus dollar, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.
Haddaba sidee looga falceliyay in Cambo dibadda looga soo dhoofiyo Soomaaliya?
Axmed Nuur ayaa yiri “Maanta ma waxaa noo keenteen waddankeena qudartiisa hoos in loo dhigo waddamo kale qudaartooda loo keeno mar hadda xaga bulshada lagala dagalamo waa sidan”.
Nasteexo Axmed ayaa iyaduna tiri “Ganacsatadii keentay cambahan dowladeena hala xisaabtanto”.
Xamza Hiil-Walaal ayaa isna ku jawaabay “Cambe keliya lama keenee dalaga dalkeena kasoo baxa oo dhan aa lagaa keenaa dibadda”.