Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliye sare.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir u magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Magacaabistan ayaa durba waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, maadaama ay jirto wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, sidoo kalena uu madaxweynaha uu leeyahay la-taliye arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka.
Hoos ka aqriso sida looga fal-celiyay arrinkaan
Mahadsanid mudane ra’iisul wasaare shaqo wacan,” ayuu yiri Cumar Cali Bashkax.
Axmed Cali Cabdulle: “Ra’iisul Wasaaraha shaqadii wasaaradda haweenka miyuu ergay u magacawday Khadiija Diiriye reaction buuqiis wato ka filo.”
Xasan Macallim Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Aaway wasaaraddii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda?
“Hambalyo walaal Shamso Alle ha kugu asturo xilkaas muhiimka ah ee lagu magacaabay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Suldaan.
Cabdiwaaxid Maxamuud Cabdullaahi: “Ha la shaqeysto kuwo badan inoo keena. Soomaaliya ha noolaato hadda ayey sax tahay qof walba qofkiisa ha nooleysto waaye.”
“Wasaaradaha dhan maa la taliyayaal loo wada beddelo,” ayuu yiri Cabdullaahi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare.
Mukhtaar Sheekh Daahir: “Hambalyo Marwo Shamso waa qof aqoonyahan oo waayo arag ah, muddana kasoo shaqeeysay UN-ka, EU-da. Xilkaas Alllaha ku asturo.”
Hambalyo Shamsa way ka soo bixi kartaa xilkaa loo magacaabay iyo mid ka sareeyaba guuleyso walaashey,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Kaar.