ayaa lagu tuuray Maqaayad ku taalla Xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah sida dad ka ag dhow ay Warbaahinta Hiiraanweyn usheegeyn.

Inta la xaqiijiyey hal askari ayaa ku dhintay sidoo kale tiro kale dhawac ayaa kasoo gaaray. Goobta Bamka lagu tuuray ayaa aheed meel aad u mashquul badan oo dad badan ayaa joogay.

Bam kale ayaa lagu tuuray meel aan ka fogeeyn Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne, inkastoo wax khasaaro ah aysan ka dhalan.