Dab ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in dabku ka bilowday inta u dhaxeyso qeybaha lagu iibiyo Dahabka iyo Malabka.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in dabku xoogeysto, iyadoo ay magaalada ay ka jireen maalmahan dabeylo xooggan.

 

Dadweyne fara badan oo ganacsi leh Suuqa iyo qaar kale ayaa halkaas u kala cararaya si ay u hubiyaan xaalada suuqa oo hanti fara badan ay taallo.

 

Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ayaa halkaas gaaray si ay wax uga qabtaan dabkaas oo aan la ogeyn sababta dhalisay.

 

Ciidamada amaanka DF ayaa sidoo kale halkaas gaaray, iyagoo doonaya iney ka hor tagaan boobka iyo falalka kale ee amni darada

 

LA SOCO WIXII SOO KORDHA.