Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar iyo dad Shacab ah.

Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray afaafka hore ee Ģuriga Guddoomiyaha degmada Maxaas, waxaana qaraxaas dhimasho iyo dhaaeac ku noqday Askar kamid aheyd ilaalada Guriga iyo dad Shacab ah.

Qaraxa labaad ayaa lagu weeraray Guri uu deganaa Xildhibaan Jacfar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka, balse la sheegay in uu Muqdisho ku sugan yahay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen 10 Ruux oo hal qoys la koobnaa iyo qaar kamid ah Askartii ku sugneyd Guriga lagu weeraray qaraxa.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in Gawaatida qaraxyada siday ay ka yimaadeen dhinaca degaanka Wabxo, waxaana xusid mudan in Ciidamada qaraxyada lagu weeraray ay ahaayeen kuwii horay u qabsaday degaanka Wabxo balse dib uga soo baxay